Friday, September 22nd, 2017
callan (1)

Cabdi Qaybdiid oo noqday Gudoomiyaha Gudiga Dastuurka Labada Aqal ee Barlamanka

Published on August 8, 2017 by   ·   No Comments Views

Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu Cabdi Qeybdiid kaga adkaaday ninkii xilkan kula tartamayay ee C/raxmaan Faroole codod dhan 6-4.

Guddiga labada Aqal ee Dastuurka ayaa ka kooban 10 xubnood oo min shan xubnood uga socda Golaha shacabka iyo Golaha Aqalka Sare.

C/raxmaan Faroole ayaa olole weyn ugu jiray qabashada xilkan, waxaana dadka qaar u saadaalinayay inuu ku guuleysanayo, balse si lama filaan ayaa looga adkaaday.

Doorashada Guddoomiyaha Guddigan ayaa ah mid muhiim ah, marka loo eego Guddiyada kale ee dowladda

Readers Comments (0)

Comments are closed.
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!