Friday, September 22nd, 2017
callan (1)

Saakay iyo banaanbaxyo Boosaso ka soconaya

Published on August 2, 2017 by   ·   No Comments Views

Wararka ka imanaya magaalada dekeda ah ee Boosaaso ayaa saaka waxaa ka dhacay banaanbax rabshado wata kuwaasoo ay dhigayaan dadweyne ka careysan  diidida isticmaalka shilin soomaaliga ah.

Guud ahaan ganacsiga magaalada Boosaaso ayaa xiran waxaana ay ku dhawaaqayeen dadka banaanbaxa dhigayay erayo ay ka mid tahay Doolar maaha lacagteenu, dooni meeyno dhiig miiraad iyo erayo kale oo ay uga soo horjeedaan dhibaatada haysata shacabka.

Lacagta Soomaaliga ayaa sarifkiisu gaarey heer aad u sareeya oo aan fadhiyin taas oo keentey in maciishada daruuriga ah ay kor u kacdo.

Mudaaharaadka ayaa ku soo beegmaya xili maanta Madaxweynaha Puntland la sheegayo in uu safar dhanka cirka ah ku imaanayo Boosaso si uu  ula kulmo wafdi ka socda Shirkadda DP World ee la wareegeysa dekadda Bosaso.

Magaalooyin badan oo dalka Soomaaliya ayaa waxaa saameyn ku yeeshay lacago been abuur ah oo dhowaan la soo geliyay taasoo ku dhex milantay lacagihii kale ee Shillin Soomaaliga ah.

Readers Comments (0)

Comments are closed.
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!