Friday, September 22nd, 2017
callan (1)

Rajo intee la’eg ayaa Dowladda laga filan karaa sii daynta maxaabista India ku xiran

Published on August 2, 2017 by   ·   No Comments Views

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Yusuf Garaad iyo wefdi uu hoggaaminaayo oo uu ka mid yahay xeer ilaaliyaha guud Axmed Cali Daahir ayaa gaarey dalka Hindiya. Wefdiga Soomaaliya ayaa kulan la qaatey Wasiirka arrimaha dibadda ee Hindiya Marwo Sushma Swaraj, waxaana ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi labada dal ah.

Heshiiska ayaa qodobada uu dhigaayo waxaa kamid ah is-dhaafsiga maxaabiista ku xiran xabsiyada labada dal, waxaana heshiiskan u saamaxayaa Soomaaliya in ay la soo wareegi karto maxaabiis ka badan 100 oo ku xiran xabsiya Hindiya.

Heshiiska ayaa dhigaya in lkabada dal midkastaa iskiis cafis ugu fidin karo maxaabiista u dhalatey mid kamid ah labada dal.

Maalinta berri ah ayaa 15 u horeeya ee Maxaabiista Soomaaliya maxkmad lagu saarayaa maagalada Mumbay. Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa yiri:

Maxaabbiista Soomaaliyeed ee India ku xiran oo dacwaddooda la qaaday, waxaa la filayaa 15-ka ugu horreeya in Maxkamad ku taalla Mumbai ay berry ku dhawaaqi doonto xukunkooda. Aniga (Yusuf) iyo xubnaha kale ee wafdiga Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Axmed Cali Daahir iyo mas’uuliyiin Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ay ka mid tahay Danjiraha Soomaaliya ee New Delhi, Ebyan Maxamed Saalax (Ebyan Ladane) berri ayaan u amba bixi doonnaa magaalada Mumbai.

Bilowgii sanadkan ayaa Dowladda Soomaaliya soo furatey 10 qof oo u dhashey dalka Hindiya kuwaas oo muddo dheer gacanta ugu jirey burcadbadeed, waxaana lagu wareejiyey dowladda Hindiya.

Readers Comments (0)

Comments are closed.
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!