Thursday, November 23rd, 2017
callan (1)

Maxkamada Sarre ee Somalia oo mar kale dil toogasho ah ku xukuntay Askarigii dilay Wasiir Cabaas

Published on July 31, 2017 by   ·   No Comments Views

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa saaka dil toogasho ah ku xukuntay askarigii dilay Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Xukuumadda Cabaas Siraaji, kaasoo racfaan ka qaatay xukunkii dilka ahaa ee Maxkamadda darajada koowaad ku riday 19-kii bishii June.

Axmed C/llaahi Cabdi oo 29 jir ah oo ka mid ahaa Ilaalada Hanti dhowrkii Guud, isla markaana uu ahaa ninkii toogtay Wasiir Cabaas Siraaji ayay Maxkamadda sare laashay racfaankiisa, iyadoo ku xukuntay dil.

Maxkamadda sare ayaa ku raacday xukunkii ay horay u riday Maxkamadda darajada koowaad, iyadoo uu ku guuldareystay eedeysanaha racfaankii uu ka qaatay xukunkii hore.

Wasiir Cabaas Siraaji ayaa la dilay horaantii bishii May, kaddib markii laga toogtay gaari ay saarnaayeen Ilaalada Hanti dhowrkii Guud.

Readers Comments (0)

Comments are closed.
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!