Thursday, November 23rd, 2017
callan (1)

“SAWIRO” Dameerka oo loo isticmaalo daawada kordhisa ragganimada iyo wadanka Botswana oo mamnuucay.

Published on July 4, 2017 by   ·   No Comments Views

Dowladda Botswana ayaa noqotay dalkii lixaad ee Afrikaan ah oo mamnuuca dhoofinta xayawaanka Dameerka ah, iyadoo ay horay u mamnuuceen dalalka  Niger, Senegal, Mali, Burkina Faso and Gambia.

Dowladda Botswana ayaa u dhaqaaqday inay hoos u dhigto ganacsiga dameeraha iyo hargagiisa oo sanadkiiba dalkaasi kasoo gala billion Dollar, waxayna arrintaani ka danbeysay markii ay kordheen weerarada iyo xayooyada dameeraha nool iyo hargahoosa.

Dameeraha iyo hargahooda ayaa loo iib geeyaa dalka Shiinaha, si loogu isticmaalaa daawo dhaqameed, waxaa kaloo loo isticmaalaa daaweynta galmada ragga gabooway iyo dadka shaqada galmadooda hoos ugu dhacday.

Ganacsato Shiiniis ah ayaa dalabyo xooggan kasoo gudbiyay hargaha dameeraha iyo hilibkooda, waxayna taasi sababtay in sanadkiiba billion dollar laga sameeyo.

Dowladda Botswana ayaa beeraleyda ugu baaqday in ay la socdaan dameerahooda, kuna soo wargeliyaan ganacsatada ku howlan ka ganacsiga dameeraha.      

1

Readers Comments (0)

Comments are closed.
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!