Thursday, November 23rd, 2017
callan (1)

“VIDEO+SAWIRRO” Xoogaga Al shabaab Oo Markii Ugu Horeysay Soo Bandhigay Wajiga Hogaamiyahoodii La Dilay Axmed Godane

Published on June 27, 2017 by   ·   No Comments Views

Xarakada Al-Shabaab ayaa markii u horeysay soo bandhigay muuqaal uu ku jiro Hoggaamiyihii hore Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaanay Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr, iyadoo muuqaalkan looga sheekeynayo taariikhdiisa nololeed.

Muuqaalkan oo soconaya 1:24 ayaa waxaa lagu arkayaa Abuu Zubeyr oo xiran dhar madow, kuna hubeysan qoriga AK47, sidoo kale waxaa looga hadlayaa taariikhdii Islaamiyiinta Soomaaliya, laga soo bilaabo sagaashameeyadii iyo sida ay ku aas aasmeen iyo bilaabashadii Maxkamadihii Islaamiga.

Waxaa kaloo muuqaalka looga sheekeynayaa waxbarashadiisa dalka Pakistan iyo dagaaladii uu ka soo galay dalka Afghanistan. illaa soo laabashadiisii Hargeysa dhamaadkii sanadkii 1999 iyo imaanshihiisa Koofurta Soomaaliya sanadkii 2003-dii

Muuqaalkan ayaa lagu soo bandhigayaa dagaaladii ka dhacay Gedo sagaashameeyadii, sidoo kale waxaa looga sheekeynayaa dagaaladii Ciidamada Mareykanka  iyo Jeneraal Ceydiid oo ay qeyb ka ahaayeen koox uu ka mid ahaa Aadan Cayrow.

Waa markii u horeysay ee muuqaal lagu arko wajiga Hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Abuu Zubeyr, iyadoo aan wali lagu arkin fagaare ah, intii uu qeybta ka ahaa dagaaladii Al-Shabaab ka waday Soomaaliya, waxaa uu ahaa nin is qarin jiray.

Bishii September ee sanadkii 2014 ayay aheyd markii diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeyn ku dileen duleedka magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.


 

Readers Comments (0)

Comments are closed.
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!