Thursday, November 23rd, 2017
callan (1)

“SAWIRRO” Soomaaliya oo sanooyin kadib maamulka hawada dib usoo ceshatay.

Published on June 7, 2017 by   ·   No Comments Views

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed A Salaad (Oomaar) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa kulan xasaasi ah la qaatay madaxda hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Duulista ee ICAO.

Kulankaas oo ka dhacay xaruunta hay’adda ICAO ee Montreal ayey madaxa hay’adda ku soo bandhigeen qorshooyin ay hay’addu ugu tala gashay soo wareejinta hawada Soomaaliyeed.

Madaxa qaybta farsamada ee hay’adda ICAO Mr. Ivan Galan ayaa warbixintiisa ku sheegay in qorshaha wareejinta hawada Soomaaliyeed ku kicidoonto lagac dhan $12 Milyan oo dollar. Lacagtaas oo laga rabo in ay bixiyaan dowladda Soomaaliya. Mr. Ivan Galan ayaa sidoo kale sheegay in qarashka ay bishiiba ka aruuriyaan hawada Soomaaliya uu yahay $1.2 Milyan oo dollar.

Wasiir Omaar ayaa ka biyo diiday qorshaha ay hay’adda ICAO soo bandhigtay, wuxuna u sheegay madaxda hay’adda ICAO in Soomaaliya uu isbedel dowladeed ka dhacay bishii Feberaayo, dowladdane ka go’antahay in ay hawadeeda soo cishato sida ugu dhaqsiyaha badan. Wuxuuna  u soo gudbiyey qorshe cusub oo ay dowladda Soomaaliya ka shaqeyneysay oo lagu soo wareejin doono hawada dalka Soomaaliya.

Wasiir Omaar ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyey agaasimaha hay’adda duulista hawada Soomaaliyeed mudane Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaale) iyo madax kale oo ka tirsan hay’adda. Waana socdaalkii ugu horeeyey oo wasiirka iyo agaasimaha ay ku yimaadaan xaruunta hay’adda ICAO ee magaalada Montreal.

Xoghayaha hay’adda ICAO Dr. Fang Liu oo ah haweeneey u dhalatay dalka Shiinaha ayaa warbixin kooban ka soo jeedisay kulankaas, ayada oo sheegtay in ay wixii kaalmo ah ee loo baahanyahay ka geysandoonto sidii hawada Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa dalka Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Duulista Hawada ee (ICAO) ayaa waxaa ka dhex aloosan muran ku saabsan soo wareejinta maamulka hawada Soomaaliyeed oo soo jiitamayey in muddu ah.

Readers Comments (0)

Comments are closed.
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!