Friday, September 22nd, 2017
callan (1)

Maxaa iska bedalay amaanka Muqdisho kadib ku dhawaaqistii hub aruurinta Muqdisho.

Published on June 3, 2017 by   ·   No Comments Views

Isbedel weyn ayaa laga dareemay gudaha Magaalada Muqdisho tan iyo markii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday inay hubka ka dhigayso ciidamada hubka kula dhex wareegaya gudaha Caasimadda.

Sida ay sheegayan wararka waxaa laga dareemaya Magaalada inuu hoos u dhac weyn ku yimid hubkii faraha badnaa ee Magaalada lagu arki jiray tan iyo intii ay bilawdan howlgalada hub ka dhigista.

Mid kamid ah dadka degan Magaalada ayaa sheegay in maalintii oo dhan laga yaabo inaad aragto labo baabuur oo tikniko ah halkii markii hore saacadii ku arki jirtay tobanaan baabuur oo hubeysan.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo fara badan hubka banaanka ula baxeen oo xeryaha ciidamada la tageen halka kuwa kale iyagana isku soo koobay xaafadahooda oo hubkii ay qarsadeen.

Isku haleyn badan ayaa laga soo sheegaya amaanka Magaalada in kastoo ay jiraan dilal abaabulan oo dhacay bishii la soo dhaafay in kastoo inta la dilay bishii May iyo inta la bishii Apriil farqi weyn u dhaxeeyo isla markaana amaanka uu soo hagaagayo.

Wadooyinka caasimadda Muqdisho ayaa cidla ah mana arkayso gaadiid fara badan oo hub saaran yahay sidoo kale madaxda iyo Wasiirada Dowladda hubkii faraha badnaa ee lagu ilaalin jiray hoos ayuu u dhacay.

Dadka ka faalooda arrimaha amaanka waxay leeyihiin haddii si dhab ah loogu howlgalo hub ka dhigista oo aan la joojin waxaa hubaal ah in wax badan iska bedeli doonaan amaanka caasimadda Muqdisho.

Dhanka kale ayaa waxa jira Siyaasiyiin iyo rag horey uga soo tirsanaa dowladihii dalka oo ayaga sheegaya in arintaan ay tahay mid halis ah sababna u noqon kartaa in isku dhacyo ay la dhacaan gudaha magaalada Muqdisho maadama dowladda ay hubka ka aruurinayso kaliya gudaha caasimada Soomaaliya.

Readers Comments (0)

Comments are closed.
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!