Thursday, November 23rd, 2017
callan (1)

Barack Obama oo Washington ka gatay guri uu horey kiro ahaan ugu jiray.

Published on June 3, 2017 by   ·   No Comments Views

_96295599_tv039814907Qoyska madaxweynihii hore ee Maraykanka, Barack Obama, ayaa gatay gurigii ay kirada ugu jireen ee caasimadda Washington DC.

Guriga oo ah filo ka kooban 9 qol oo jiif ah, ayaa ku yaalla deegaanka dadka maalqabeenka ah ay degaan ee Kalorama, waxaana lagu iibiyay 8.1 milyan oo dollar.

Qoyska ayaa raba in uu sii degannaado Washington, ilaa iyo inta gura-dambeystooda Sasha oo hadda 15 jir ah, ay ka dhamaynayso dugsiga sare.

Obama iyo xaaskiisa ayaa tan iyo markii ay ka baxeen Aqalka Cad, waxa ay safar ku mareen qeybo badan oo caalamka ah.

Kevin Lewis, oo ah afhayeenka Obama ayaa xaqiijiyay gadashada guriga, asagoo sheegay in “maadaama uu qoyska Washington sii degannaanayo ilaa laba sano iyo bar dheeraad ah, ay u arkeen in iibsiga uu uga wanaagsan yahay bixinta kirada.”

Guriga ayaa waxaa ku wareegsan xeyndaab dadweynaha looga ilaalinayo, waxaana waardiyo joogta ah ka haya ciidanka ilaalada madaxtooyada ee loo yaqaanno Secret Service.

Qoyska Obama oo guri ku leh Chicago, ayaa gurigan cusub ka iibsaday Joe Lockhart oo ahaa xoghayihii warfaafinta ee Bill Clinton, kaasoo sanadkii 2014 kula wareegay lacag dhan 5.3 milyan oo dollar.

Guriga reer Obama kama fogo guriga milkiilaha shirkadda Amazoneff Bezos, oo isna gurigiisa ku gatay $23 milyan oo doolar.

Waxaa sidoo kale ay daris yihiin gabadha madaxweynaha Mareykanka Ivanka Trump iyo ninkeeda Jared Kushner.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka Rex Tillerson ayaa sidoo kale xaafadaas Kalorama ka gatay guri uu ka bixiyay $5.6 milyan bishii February.

Readers Comments (0)

Comments are closed.
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!