Friday, September 22nd, 2017
callan (1)

SAWIRO: Maxaa ka run ah Lammaane ilmo raadinayay muddo 17 sano inay mar qura ay dhaleen lix carruur ah.

Published on May 28, 2017 by   ·   No Comments Views

Lammaanaha lagu kala magacaabo Ajibola Taiwo iyo Adeboye Taiwo asal ahaana kasoo jeeda dalka Nigeria balse iminka ku nool daka Mareykanka, gaar ahaan gobolka Virginia ayaa mudo 17 sano ah waxa ay raadinayeen ilmo in ay dhalaan.

Mar qura ayaa waxa ay isbitaalka VCU Medical Center ee gobolka Virginia ku umushay xaaska lix carruur ah oo kala ah 3 wiil iyo saddex gabdhood.

Lammaanahan ayaa waxa ay sheegeen in markii hore ay u haysteen in afar carruur ah ay yihiin waxa uurka ku jira, balse xilliga dhalmada ayay sheekadu isbadeshay, iyadoona ay hooyadu dhashay 6 carruur ah.

Dhalmadan oo aheyd qaab qalliin ayaa waxaa ka qeyb-qaatay 40 isugu jira dhakhaatiir, umulisooyin iyo kal-kaaliyayaal, waxaana uu qaatay dhowr saacadood iyagoona ku dhashay kiilaad aad u hooseeya oo kan ugu culus uu ahaa 1.3 kiilo kan ugu yarna uu ahaa 737 gram.

 

Readers Comments (0)

Comments are closed.
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!